Shabakado muslim ah oo u cowdey dowladda Iswedhen

shabakado ay leeyahiin muslimiinta Iswedhen ayaa ka dalbadey xukumada Iswedhen in ay adkeyso xaalada amni ee muslimiinta Iswedhen. Codsiga ururada mulimiinta ayaa yemid kadib markii ay u gudbiyeen gudiga qaabilsan Qaramada Midowbey arimaha cunsuriyada iyo midabtakoorta warbaxin ka hadleysa sida dagaalka lagula jira argagaxisada uu qatar u geliyo xaquuqda amni ee muslimiinta.

- Waxaa kamid ah tusaalooyinka wax ku oolka ah, muslimiin badan oo loo xirey sababo aan sal iyo bar toona laheyn, ayuu Elvic Gigovic oo ka tirsadan shabakadaha muslimiinta ee cabashada u gudbiyey xukumada.

Shabakadahaan cabashada gudbiyey waxaa kamid ah ururada kala ah Sveriges muslimska råd iyo ururka tacliinta Ibn Rushd.

Isha:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".