1 av 4
So könnte ein Wohngebiet in Kiruna aussehen (Foto: White)
2 av 4
In Richtung der Pfeile wird die Stadt umziehen (Foto: White)
3 av 4
Der Lageplan für die neue Stadt (Foto: White)
4 av 4
Der neue Hauptplatz - die Plaza. Von dort aus mit der Seilbahn zur Arbeit Untertage (Foto: White).
Kirunada cusub

Magaalo dhan oo la raarayo waqooyiga Iswedhen

Halka Kiruna loo rarayo iyo sida ay magaalada u ekaan doonto mostaqbalka. Manta ayaa la soo ban-dhigay naqshada guuleysatey ee: "Kiruna 4-ever"

Waxaa maanta bilowdey rarida degmada waqooyi Iswedhen ku taala ee Kiruna.

Toban shirkadood oo ah arkitekti ayaa ku tartamey naqshadaha muujinaya halka magaalada loo rarayo iyo sida ay magaalada mustaqbalka u ekaaneyso, taas oo maanta la shaaciyey naqshada guuleysatey.

Naqshada guulsha raacdeyna waxaa la yiraahdaa "kiruna 4-ever" waxaan soo saarey shirkada arkitekti oo la yiraahdo White oo ku taala magaalada Stockholm.

Dhanka geografiga arintaan waxay ka micno tahay in centerka magaalada loo rarayo bariga.

Bartamaha cussub ee magaalada ayaa waxaa ku ooli doona guri dubaalsha loogu talo galay iyo guri weyn oo noqonaya xaafiska maamulka degmada iyo weliba jid weyn oo noqonaya jidka koobaad ee degmada.

Waxaa ka soo wareegtey mudo toban sanno ah markii shirkada LKAB shaacisey in bartamaha magaalada loo baahanayahay in la raro madaama god laga qoda macdanta kuna yaala degaankaas uu ku soo dhawaadey bartamaha magaalada. Waxaa la filayaa in ay qaadato rarida magaalada mudo toban sanno ah sida ay saadaaleyneyso LKAB.

Isha:ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".