Wasiirka koobaad Fredrik Reinfeldt iyo wasiirada koobaad ee Thailand Yingluck Shinawatra.Foto:Janerik Henriksson/Scanpix

Iswedhen iyo Thailand oo galay heshiis cusub

Iswedhen iyo Thailand ayaa manta kala saxiixdey heshiis wadoshaqeyneed oo lagula dagaalamayo faldenbiyeedyada, kadib markii kulan dhexmarey wasiirada koobaad ee Thailand Yingluck Shinawatra iyo wasiirka koobaad ee Iswedhen Fredrik Reinfeldt.

Hadafka heshiiska ayaa ah in labada dowladood sida ugu dhaqsaha badan uga wadoshaqeeyaan arimaha la xiriira falbendiyeedyada ay kamid yahiin argagaxisada, daroogada iyo trafficking ama ka ganacsiga aadanaha.

Labado wadan waxay sidoo kale kala saxiixdeen isfahamano ku saabsan arimo kaloo badan.

/ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".