Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Qeyb ka mid ah taageerada dhaqaale oo la gelin doono soo galootiga

La daabacay tisdag 5 mars 2013 kl 09.30

Dawladda dalka Iswiidhen ayaa qorsheenaysa dhimista taageerada dhaqaale ee dalkani u fidiyo waddammada soo koreya, middkaasian oo loo mariyo hayadda caalamiga ee qarammada Midoobey, sida lagu sheegay war saaka ka baxay Ekot laanta wararka ee idaacadda Iswiidhen.

- Waxaa lagu sugan yahay xaalad dhalisay baahi sidii dib u eegid loogu sameeyn lahaa taageerada dhaqaale ee dalkani u fidiyo waddammada soo koreya, sida uu laanta Ekort u sheegay Anders Borg, wasiirka dhaqaalaha ee dalka Iswiidhen.

Miisaaniyadda taageerada dhaqaale ayaa lagu talo jiraa sidii loo dhimi lahaa iyadoona la qorsheeyneyo sidii loogu miisaaniyad gelin lahaa soo-galootiga dalka ku sugan sannadka la fileyo iney aad kor ugu kacaan.
- Kolka ey dalka socdaal ku yimaadaan soo-galooti, waa in laga miisaaniyad geliyaa miisaaniyadda taageerada dhaqaale ee waddammada soo koreya. Waa xaalad loo baahan yahay in miisaaniyaddaasi ku dhacdo qasnad mid ah, sida ay sheegtay Gunilla Carlsson, wasiirka taageeradu.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".