Dafgårds oo ka war heshay gunta qeybiyaha cunnada hilibka fardaha

Shirkadda Dafgårds ayaa lagu soo warrameyaa inay ka war-heshay halka laga soo waarido cunnada ay ku jiraan hilbaha fardaha, hase yeeshee lagu khaldey inuu yahay hilib lo'aad, sida uu sheegay Magnus Dafgård, ahan ku simaha agaasimaha guud shirkadda Dafgård, iyadoona la sheegay in shirkaddaasi tahay mid dalkan laga leeyahay, isla-markaana dacwad looga gudbiyey ciidanka ammaanka.

Shirkadda tuhunka laga qabo ayaa u gudbisey cunno ceeyriin afarta jeer ee cunnada laga heley hilibka fardaha.
- Kadib saamiyo 1 000 gaarsiisan ee lagu sameeyey dna-ada cunnada ayaannu ku xaqiiqsaney tuhunka shirkadda, sida uu sheegay Magnus Dafgård, ku-simaha agaasimaha guud ee shirkadda Dafgårds.

Sida uu sheegay Magnus Dafgård in shirkadda la tuhun-san yahay ay tahay shirkad dalkan laga leeyahay, hase yeeshee uu ka gaabsaday inuu carabaabo. Shirkaddaa ayaa dhankeeda hilbo ka soo iibsata kawaanno lagu qalo xoolaha ee ku yaala dalka Boolan.

Tallaabo taxadar ah ee shirkadda Dafgårds ku tallaabsatay ayaa lagu joojiyey 12 ka mid ah noocyada alaabooyinka shirkaddu soo saarto inta saamiyo dheeri ah lagu hubsaneyo. Iyadoona ey sababtu tahay in la tuhun-san yahey in cunnadaa uu ku jiro hilbka faraska.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".