Sawirle: Victor Jensen/P4 Väst

Dalka Shiinaha oo saxaro laga heley shukulaatada Ikea

Hayd ka mid ah hayadaha dalka shiinaha ayaa baabi'isay shukulaato culeeyskeedu dhan yahay laba tan oo shirkadda Ikea ay dalkan uga dhoofisay carriga shiinaha, kadib iyada oo saxaro laga heley, sida uu qoray war-geeyska maalinlaha ee Shangahai Daily.

Shukulaatada ayaa laga helay tayo sarreeysa ee jeermiska saxarada, sida uu war-geeysku qoray.

Ylva Magnusson, madaxa laanta wararka ee shirkadda Ikea ayaa sheegtay in shirkaddu isku dayday sidii ay amuurtaa uga heli lahayd warar dheeraad ah, hase yeeshee aanay illaa hadda ku guuleeysan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".