Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Adkeeynta xuquuqda dadyoowga lagu tuhunsan yahey dembiyada

Buugga xeerka: Sawirle: JESSICA GOW / SCANPIX

Dawladda ayaa ku talo-jirta sidii ay masuuliyad ugu saari lahayd ciidanka ammaanka iyo maamullada maxkammadaha iney af-celiyeyaal helaan kolka uu wareeysi dhacayo ama lagu howlan yahay howl-maxkamadeed, waa kolka aannu eedeeysanuhu ku hadal luuqadda iswiidhishka. Iyo sidoo kale in qoraallada qaarkood ee xilliga wareeysiyada iyo maxkammadaha lagu waajibiyo in la tarjumo.

Qorshahan ayaa ka dambeeya tilmmaan dhabba-tus ee uu soo jeediyay ururka Midowga Yurub, ahna tallaabadii ugu horeeysay oo lagu adkeeyneyo xuquuqda howlaha dembiyada, middaasi oo go'aan loo dhan yahey lagu gaarey 2009 xilligaasina oo dalkani hayay kaltanka hoggaanka ururka EU-da. Qorshahan ayaa iminka la fileyaa inuu qalinka ku duugo guddiga sare ee xeerarku, midkaasina oo dabadeed hir-geli doona koowda bisha oktoobar ee sannadka 2013.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".