Sawirle: Scanpix. Montage: Sveriges Radio.

ISF oo saluugsan go’aammada hayadda ceeymiska qaranka

In maxkamadi beddesho go'aamada uu Xafiiska Caymiska Bulshadu ka gaaro lacagaha la siiyo dadka bukaanka ah waxay aad ugu fududahay qofka ku nool Luleå marka loo eego kan ku nool Stockholm.

In kala duwanaan sidaas u weyni dalka ka jirto waxay welwel ku haysaa hay'adda kormeerka caymiska bulshada (Inspektionen för socialförsäkringen, ISF) oo hadda baaritaan ku samaynaya ammaanka sharciga ee maxkamadaha arrimaha maamulka iyo kuwa racfaanka arrimaha maamulka, ayuu qoray wargeyska Dagens Nyheter.

Sida laga soo xigtay Maamulka Maxkamadaha waxaa sannadkii 2012 la beddelay mid ka mid ah afartii go'aan oo racfaan looga qaatay degmada Luleå, halka ay Stockholm ka hayd tobankii go'aanba mid keliya.

 DN, TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".