Sawirle: Markus Schreiber/Scanpix

OIC iyo EU oo ka digay aflagaaddeynta nebiyada

Xiriirka ka dhexeeya Dunida Islaamka iyo Yurub wuxuu ka mid yahay qodobada ugu waaweyn oo ay isla soo qaadayaan marka Wasiirka Arrimaha Dibedda Carl Bildt iyo Raisal wasaaraha Iswiidhen Fredrik Reinfeldt ay la kulmayaan xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (organization of islamic cooperation, OIC), Ekmeleddin Ihsanoglu oo hadda booqasho ku jooga Iswiidhen.

Ujeeddada ugu weyn ee kulankoddu waxa weeye sidii loo horumarin lahaa xiriirka ay dalalka islaamku la leeyihiin Iswiidhen.

Kadib dareenkii rabshadihii xooganaa ee ka dhacay Masar iyo Liibiya oo dayrtii la soo dhaafay looga carooday filin ku tilmaamay nebi Maxamed in uu ahaa nin xiseyn jirey dumarka iyo carruurta, ayey Ekmeleddin Ihsanoglu iyo Madaxa Arrimaha Dibedda Ururka Yurub wadajir u soo saareen baaq ay ku cambaareynayaan rabshadaha iyagoo ku taliyey in xorriyadda hadalka lagu xushmeeyo nebiyada.

Kulanka ka horna isla mawqifkaas ayuu Ekmeleddin Ihsanoglu weli qabaa, isagoo isla markaasna u sheegaya wargeyska Dagens Nyheter in aan "qofna xaq u lahayn in isaga oo isticmaalaya xorriyadda hadalka uu sharafjebiyo dadka kale."

Isha/ DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".