Elvir Gigovic, Helena Benaouda och Kitimbwa Sabuni. Foto: SVT

Kulan lagu soo ban-dhigay dhibaatooyinka loo geeysto muslimiinta

Kitimbwa Sabuni: xukumada garowshu kagama helno arimaha aan tabaneyno
3:46 min

Muslimiinta Iswedhen meel ka dhac ayaa loo geystaa, sidaas waxaa lagu yeri warbaxinta ay maanta soo saartey shabakad ay ku midoobeen muslimiinta Iswedhen, taas oo ay u diri doonaan gudiga QM u qaabilsan jinsi-faquuqa.

Warbaxintaan ayaa ah mid daba sacota warbaxinada ay dowladda u gudbiso gudigaas QM oo ay kaga hadasho sida ay Iswedhen wax uga qabato arimaha jinsi-faquuqa.

Shabakada ay leeyahiin Muslimiinta ayaa u arka in warbaxinada xukumada u gudbisey QM ee ku saabsan jinsi-faquuqa aysan aheyn mid tixgelin siineysa xaalada muslimiinta Iswedhen. Kitimbwa Sabuni waa tafariraha warbaxinta.

- Marar badan ayaan iskudeyney in aan wax ka dhaadhicino xukumada Iswedhen. Waxaan nahay Isweedhin wadankaan ku nool balse waxaa dareemeynaa in aan nalooga gaaraabin arimaha aan tabaneyno, ayuu yeri Kitimbwa Sabuni.

Shabakadaan ayaa waxaa ku bahoobey ururo badan oo kamid ah ururada muslimiinta Iswedhen, kuwaas oo ay kamid yahiin Sveriges muslimska råd iyo ururka tacliinta ee Ibn Rushd. Ururadaan ayaa ka deyrinaya xaalada xaquuq iyo amni ee muslimiinta Iswedhen. Waxayna si gooni u dhaleeceynayaan sharuucda la dagaalanka argagaxisada.

- Waxaan kamidnahay dad badan oo dhaleeceysan sharciga argagixisada. Waxaanse anaga ka eegeynaa dhanka midabtakoorka. Sharciga waxaad muudaa in si gooniya loogu talogalay in uu qabta muslimiinta. 26 qof ee la garanayo oo xariyada laga qaadey sida uu qabo sharciga la dagaalanka argagaxisada waxey ahaayeen keliya muslimiin, labo kamid ah keliya ayaa xukun ku dhacay. Iswedhen marka dadka xoriyada laga qaadayo cadeymo badan ayaa loo baahanayahay laakiin marka laga hadlayo denbiyada argagaxisada iyo muslimiinta arintaan waa looma baahna, ayuu yeri Katimbwa Sabuni.

Waxuuna sidoo kale tusaale u soo qaatey keysas badan oo ay kamid yahiin labadii nin ee masaarida ahaa ee 2001 loo gacan geliyey CIA Mareykanka kuwaas oo laga dhoofiyey degida dayuuradaha ee Bromma iyo weliba labada Soomali Iswedhisha ka ee hada gacanta ugu jira Mareykanka laguna hayo New York, kuwaas oo laga qabtey dalka Jabuuti dhamaadkii sannadkii hore oo aysan cadeyn xaalada ka denbeysey in qabashadooda, wasaarada arimaha dibadana aysan dooneynin in ka hadasho kaalinta ay ku laheyd iyo waxey ka ogeyd u gacan galintooda Mareykanka. Arimahaas ayaa ka dhigaya dagaalka lagu la jiro argagixisada dhibaato weyn oo heysta muslimiinta Iswedhen, ayuu yeri Kitimbwa Sabuni.

Shabakaduna waxay dooneysaa in loo saaro gudi xaqiiq raadin ah oo dabaglak ku sameeya saameynta uu dagaalka lagula jiro argagixisada ku yeeshey xaquuqda muslimiinta Iswedhen.

- Waxaa jira waxyaabo badan oo dhacay. Sharciga la dagaalanka argagaxisada waa mid shaki badan ka jiro marka loo fiiriyo xaquuqul insaanka iyo dhanka amniga garsoorka, taas oo ay hay’adaha dowligaa ka cabirqaataan markey la tacaalayaan dadka. Saas darteed waa in aan dhagax kasta rogno sida in la abuuro gudi xaqiiq raadin ah oo lagu ogaanayo waxyaabahii dhacay si loo hubiyo in aysan mustqabalka dhacin.

                                                                       Warsame.elmi@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".