Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Carl Bild oo ka faallooday geerida madaxweyne Hugo Chávez

La daabacay onsdag 6 mars 2013 kl 08.38

Madaxda caalamka ayaa siyaabo kala duwan uga war-bixiyey geerida ku timid madax-weynihii dalka Venezuela Hugo Chávez oo xalay geeriyooday.

Madax badan ee waddammada dhaca koonfurta Ameerika ayaa sheegey iney tahay maalin murugo leh, halka uu madax-weeynaha mareeykanka Barack Obama sheegay inuu rajeeynayo xiriir wada-shaqeeyn ee ka wanaagsan oo uu dalkiisu la yeesho Venezuela mustaqbalka.

Wasiirka arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen Carl Bildt (M), ayaa faallo uu ka qoray geerida Hugo Chávez ku sheegay inay tahay mid aan muran ka taagnayn inuu Chávez ahaa hogaamiye ay u sahlanayd sidii uu shacabka ku soo jiidan lahaa (karismatisk), hase yeeshee ay siyaasaddii uu dalka ku dhaqayay mararka qaarkood u weecisay dhabbo aan wanaagsanayn oo sabab u noqotay xaalad dhaqaale ee cakiran ee dalkaasi la soo gudboonaata. Iyo in dalka Venezuela iminka ay hor-taalo siduu ku dooran lahaa hoggaan dimoqoraadi ah, sida uu qoray Carl Bildt.

Muddo soddon maalmood gudahood ayaa lagu soo magacaabi doonaa ciddii la wareegi lahayd hoggaanka kursiga uu baneeyay Hugo Chávez.

                                                                       kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".