Sawirle: Mattias Bolin/Sveriges Radio.

Tirada shaqaalaha oo kor u kacdey

Waxaan raadinayaa howl aan reerka ku masruufan karo
1:43 min

Waxaa ka soo wanaagsanaaneeysa xaaladda suuqa shaqada ee dalkan kolka la eego dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey, sida ay sheegtay hayadda xafiiska shaqadu.
Bishii diseembar ee sannadkii ina dhaafay ayuu xafiiska shaqadu sheegay raja-xummada uu ka qabo kor u kaca goobaha shaqada, iyadoona uu xafiisku saadaalinayey in 40 000 oo hoowlood ey baabi'i doonaan sannadkan eynu ku jirno iyo sannadka foodda innagu soo haya.

 Halka iminka la saadaalineyo in goobaha shaqadu aaney hoos u dhici doonin oo weliba ey kor u kici doonaan. Waana caqabad laga gudbay tallaabooyinkii lagu dhimaayey shaqaalaha, sida uu laanta wararka Ekot u sheegay Tord Strannefors, madaxa laanta saadaalinta ee xafiiska shaqada:

Waxay u muuqataa in caqabaddii shaqa-dhimidda laga gudbey, macnaheedu waxay tahay in laga baxey cabsidii laga qabey dhimista shaqaalaha, balse laga raja qabo ey kor u kacdo tirada goobaha ey shaqaaluhu ka howl-galaan.

Dhanka kale waxaa si daciif ah kor ugu sii kacaya tirada dadyoowga shaqa la’aanta ku sugan, maadaama dadyoowga shaqa-raadinta ku diiwaan-gashay ey mar walba ku soo biireyaan dhallin-yaro hor leh iyo ajaaniib dalka soo gashey dhowaantan, sida lagu xaqiijiyey war ka soo baxay xafiiska shaqada. Dadyoowgaasi ayuu ka mid yahay Talal Zaytoun oo ka soo socdaalay dalka Masar , isagoona ku howl-geli jiray hage dadyoowga dal-xiiska dalkaasi u taga. Dalka Iswiidhen ayuu ku raadineyaa shaqo nooca wadidda gaadiidka tagaasida:
- Aad iyo aad ayey u adag tahay haddii aadan luuqadda si wanaagsan u garanayn, sidayda oo kale. Waxaan ku hoowlanahay sidii aan ku heli lahaa shaqo ah wadidda tagaasida ama howl kale oo aan ku kaafiyo karo nolosheeyda iyo reerkeeyga.

Isha: Ekot

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".