Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Sawirle: Henrik Montgomery / Scanpix

Waxaa dalka ku soo batay dadka gaadiidka xoogga ku wada

Waxaa jira dad baabuurta badanaaba xoog ugu wada waddooyinka xaafadaha oo loogu talagalay xawli hoose. In ku dhow boqolkiiba konton ayaa waxay xoog ugu wadaan waddooyinka xawligu yahay 40 kiilomitir saacaddii. Waddooyinkaas oo ay la wadaagaan dadka lugeeya iyo baaskiilada.

Taas waxaa lagu muujiyey baaritaan cusub oo ay Hay’adda Gaadiidku u xilsaartay ururka Horumarinta Ammaanka Gaadiidka (NTF) iyo Machadka Cilmi-baarista Waddooyinka iyo gaadiidka oo lagu soo daabacay wargeeyska Dagens Nyheter. Waxaa dhacda in boqolkiiba 47 ay xawli ka sarreeya ku wadaan waddooyinka loogu talagay 40 kiilomitir saacaddii, halka ay boqolkiiba 41 ku wadaan xawli sare waddooyin loogu talagalay 50 kiilomitir saacaddii. Sidaas waxaa lagu muujiyey baaritaan lagu sameeyey 69 goobood oo ku kala yaal 23 degmo oo Iswiidhen ka tirsan.

Isha/ DN

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".