Sawirle: Patrik Enlund/Sveriges Radio

Xisbiga Bidixda oo doortay afhayeen u qaabbilsan arrimaha dumarka

Xisbiga Bidixda ayaa Rossana Dinamarca u doortay afhayeenka cusub ee arrimaha dumarka, iyadoo isla markaasna sii wadi doonta hawlaha arrimaha waxbarashada oo ay xisbiga u qaabbilsan tahay.

Inkastoo Xisbiga Bidixdu uu caddeystay in uu yahay xisbi u hiilliya dumarka, haddana ma uusan lahayn afhayeen u qaabbilsan arrimaha dumarka ilaa iyo doorashadii 2010. Hoggaamiyaha xisbiga Jonas Sjöstedt wuxuu sheegay in uu ku qanacsan yahay in gabadhaa loo doortay afhayeenka arrimaha dumarka iyo in xisbigu uu hadda kadib ku wanaagsanaado iftiiminta arrimaha dumarka. Sjöstedt wuxuu kaloo sheegay in Rossana Dinamarcaay taageero weyn ka haysato xisbiga sidii ay u horumarin lahayd siyaasadda arrimaha dumarka.

Isha/ Ekot/TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".