Wasiiradda deeqda caalamiga Gunilla Carlsson. Sawirle: Scanpix.
GUNILLA CARLSSON WASIIRKA TAAGEERADA CAALAMIGA

Soo galootiga oo lagu miisaaniyad gelinayo dhaqaalaha taageerada

Wasiirka taageerada caalamiga Gunilla Calsson ayaa maanta caddeeysay in lagu miisaaniyad gelin doono karashka kor u sii kacaya ee soo-galootiga miisaaniyad laga soo jaray dhaqaalaha taageerada uu dalkani u fidiyo waddammada adduunka saddexaad ee caalamka. Wasiirka dhaqaalaha Anders Borgs oo middaa shuruud ahaan u soo ban-dhigay shalayto ayay ku taageertay wasiiraddu, iyadoona iminka ay wasaaraddeedu ku howlan tahay sidii loo sameeyn lahaa qaybin dheeli-tiran ee miisaaniyadda iminkaba loo qoondeeyayd:

- Waa masuuliyad aniga i saaran inaan di buga soo war-bixiyo sidii loo qoondeyn lahaa, qaasatan marka laga hadleyo miisaaniyadda taageerada dhaqaale ee sannadka ka har-san. Horay ayaan middaa uga soo dhalaalney iminkana waan ka soo bixi doonnaa annaga oo kala xaajooneyna xisbiyada aannu xulufada nahey, sida ay sheegtay Gunilla Carlsson.

Sida ku cad war ay heshay laanta wararka ee Ekot inay soo gaartay wasaaradda arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen farriin ah in si aad ah loo dhimo miisaaniyadda taageerada dhaqaale ee dalkani u fidiyo laamaha kala duwan ee hayadda Qarammada Midoobey. Waxaa iminka la carrabaabay dhaqaale bilyan koron barkii ah.

Hase yeeshee wasiirka taageerada caalamiga Gunilla Carlsson ayaa ka gaabsatay inay jawaab ka faallooto halka dhaqaalahaasi laga jai doono. Iyadoona sheegtay oo keliya in middaasi lagu howlan-yahay, isla-makaana ay tahay in miisaaniyadda ku baxda soo-galootiga dalkan laga dhaqaale geliyo miisaaniyadda taageerada waddammada soo koreya.

Horraantii ayaa la isu dheeli tiri jiray miisaaniyadda taageerada caalamka iyo tirada soo-galootiga ee dalkan magan-gelyaa u timaada, sida ay sheegtay.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".