Beatrice Ask wasiirka cadaaladda. Sawirle: Henrik Montgomery på Scanpix.

Ask: Hadda looma baahna in wax laga bedelo hoowsha ciidanka ammaanka

Wasiirka xeerka Beatrice Ask ayaa markii ugu horeeysay ka faallootay tallaabooyinka ey ciidanka ammaanku ku tallaabsadaan oo ey ka mid tahay hoowlaha gododka tareemmada, sidii ey gacanta ugu dhigi lahaayeen dadyoowga dalka dhuumaaleeysiga ama sharci-darrada ku jooga sidii loogu masaafurin lahaa dhulkoodii hooyo, middaasina oo beryahan ey ka socdeen doodo fara badan.

Qaar ka mid ah dadyoowgii ciidanka ammaanku ku baareen iyaga oo gelaya ama ka soo baxaya godadka tareemmada ayaa ka markhaati kacey in  ciidanka ammaanku u hakiyeen una weydiiyeen waraaqahooda aqoonsi iyada oo laga tallaaba-qaadeyo qaabkooda ajnabi oo keliya. Hase yeeshee aanay wasiiraddu u arag in falalkaasi yihiin kuwo loo baahan yahay in hoowlo gaar ah laga qabto ama dib u eegid lagu sameeyo:
– Looma baahna in howl-gallo gaar ah laga qabto dood walba oo lagu soo ban-dhigo hayadaha wararka. Waxaan qabaa inuu yahay arrin wanaagsan in xaaladdan la soo ban-dhigo, hase yeeshee kuma talo jiro aniga ahaan inaan is-bedel ku sameeyo qorshahan, sida ay sheegtay Beatrice Ask.

Sida ey sheegeen ciidanka ammaanku sida ey u sameeyaan baaritaanka qoraallada aqoonsi ee shakhsiga kolka uu yimaado tusaale ahaan tuhun dhanka tigidhada tareemmada, iyo haddii uu shakhsigu u dhaqmo hab qaab tuhun dhalin kara ama la kulmeyo ruux/dadyoow la shakiyo.

                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".