Sawirle: Lars Pehrson/Scanpix.

Dhallaanka laga kaxeeyo waalidkii dhaley oo halis ku sugan

Hayadda hoggaanka bulshada, Socialstyrelsen ayaa maanta ka digtay iney halis ku sugan yihiin dhallaanka laga wareejiyo waalidkii dhaley laguna wareejiyo goobo kale ee lagu xannaaneeyo, haddey noqon lahayd qooysas kale, ama guryaha xanaaneeynta.

Dhallaankaa ayaa khatar laba-jibbaar ah ugu jira iney naftooda wax-yeelooyin u geeystaan iyo isticmaalka dawooyinka maskaxda, kuwa hurdada. Isticmaalkana kaga badan dhiggooda ku soo barbaarey guryihii waalidiintood. Sidoo kale waxey geerida kaga badan yihiin dhallaanka da'dooda ah, qaasatan marka laga hadleyo da'da 15 iyo 24 jir, sida war-bixinta lagu qorey, sida uu sheegay agaasimaha hayadda maamulka bulshada Lars-Erik Holm:

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".