Sawirle: Jonas Ekströmer

Shirkadda Vattenfall oo shaqaalaheeda dhimi doonta 2 500

Shirkadda quwadda korontada ee Vattenfall ayaa shaqaalaheeda dhimi doonta tiro gaarsiisan 2 500 oo ruux, sida ay shirkaddu go'aan ku qaadatay sidii loo dhimi lahaa kharashka shirkadda Vattenfall labada sannadood ee foodda innagu soo haya, sida ay shirkaddu war-saxaafadeed ku sheegtay.

Dhimista shaqaalaha ayaa sidan u dhici doonta: 1 500 oo laga dhimi doono shaqaalaha shirkadda ee dalka Jarmalka, 500 dalka Holan, 400 dalka Iswiidhen iyo 50 laga dhimi doono qeeybaha kale ee shaqaalaha shirkadda ee caalamka, sida shirkaddu sheegtay.

Baahida isticmaalka quwadda korontada, qiimo jab ballaaran oo ku yimid shatiga wasakhda cimilada lagu daayo, qiimaha quwadda korontada oo hoos u dhacay ayaa u sabab ah qorshaha dhimista miisaaniyadda shirkadda, sida uu qoraal saxaafadeed ku sheegay agaasimaha shirkadda Øystein Løseths

Inkasta oo shiraddu sameeysay macaash badan ee bilyan gaareya ayaan haddana lagu qanac-saneyn heerka macaashka shirkadda, sida mulkiiluhu (dawladda Iswiidhen) qabo. Sannadkan eynu ku jirno ayaa looga fadhiyaa shirkaddu iney dhinto kharashkeeda 3 bilyan oo koron iyo sannadka foodda innagu soo haya oo la dhimi doono 1,5 bilyan oo koron.

Shirkadda Vattenfall ayaa sidoo ku talo jirta inay iibiso xarunteeda warshadda quwadda korontada atoomikada ee dalka Danmark iyo qeybo ka mid ah warshadda magaalada Lippendorf ee dalka Jarmalka.

Isha/ (TT, DN, ekot)

                                                            kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".