Gantaalka Carl Gustav. Sawirle: Fredrik Persson/Scanpix

Gantaalka Carl Gustaf oo lagu isticmaalay dagaalka Suuriya

Filin fiidiyo ah oo laga duubay Suuriya ayuu ku muuqdaa dagaalyahan isticmaalaya gantaalka Carl Gustaf ee dalkan lagu sameeyo.
Ururka nabadda u dooda ee "Svenska fred" ayaa dhaleeceeyey in hubka iswiidhishku uu mar labaad galay gacan khaldanh, wuxuuna qabaa in dowladda Iswiidhen ay mas'uuliyaddeeda qaaddo maadaama ay arrintaani ka mid tahay siyaasadda dibedda, sida uu qortay lanta warar ee TV 4 Nyheterna.

Waxaa sannadkii la soo dhaafay soo shaacbaxay in gantaalka Carl Gustaf ay dagaal u isticmaaleen ciidammada dalka Burma oo uu Midowga Yurub ku soo rogay cunaqabataynta hubka.

Isha/ TT

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".