Maxkamad ku saabsanayd falal argagixiso oo la soo gabagabeeyey

Dalka Qubrus ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey maxkamad lagu soo taagay muwaadin iswiidhish ah oo ka tirsan ururka Xisbullah, ninkaasina lagu soo eedeeyey inuu qorsheeynayey falal argagixis-nimo oo ka dhan ah muwaadiniinta Israa'iil ee ku dhaqan dalka Qubrus

Ninka dembiga lagu tuhun-san yahay oo da'diisa lagu sheegay 24 jir, haystana labada dhalasho ee iswiidhishka iyo lubnaan ayaa iska dheereeyay dembiyadii lagu soo eedeeyey iyadoona uu sida uu sheegay gar-yaqaankii difacayay aaney sidoo kale maxkamaddu ku guuleeysan sidii ay ku soo ban-dhigidda caddeeymo cadcad. Eedeeymmaha lagu soo oogey ninkaasi ayay ka mid ahayd ka mid ahaanshaha ururka Xisbullah, maadaama loo aqoon-san yahay inuu yahay urur xag-jir ah, hase yeeshee uu sheegay muwaadinka iswiidhishku in aanu qabin middaa.

                                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".