Sawirle: Maria Hansson P4 Sjuhärad

Dugsiyada sare oo gaarka loo leeyahay oo laga sii xiiso-dhacaayo

Xiisaha loo hayo dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay ayaa soo yaraanaya kadib sanooyin badan oo uu kor u kacayay. Tiro aan badneyn ee 1% ayuu hoos u dhacay xiisaha ardeyda cusub ee iskuulladaa bilowda, hase yeeshee ay middani tahay is-bedel cusub oo biloowday, sida ay sheegtay hayadda maamulka wax-barashada Skolverket.

Waxaa kaloo tirakoob lagu muujiyey in xiisihii loo qabay waxbarashada xirfaduhu uu soo yaraaday. Waxaa isbeddelkaan aad looga arkaa gabdhaha oo boqolkiiba 65 ay doortaan barnaamijyo jaamicadeed oo diyaarin ah. Shan sano ka hor waxay tiradaasi ahayd boqolkiiba 51.

                                                                     kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".