Bixinta canshuurta oo laga dhuunto

Dalalka waqooyiga Yurub waxay si wadajir u ugaarsan doonaan dadka ka baxsada in ay bixiyaan canshuurta. Wargeyska Svenska Dagbladet wuxuu qoray in dalalka Iswiidhen, Noorwey, Danmaark iyo Finlaand ay isu soo ururinayaan 400 oo qof oo ka kooban khubaro ku xeeldheer canshuuraha si ay gacanta ugu soo dhigaan lacagaha lagu qariyo dalalka kale.

Nais ayaa sheegay in kooxdani ay dardar gelin doonto ugaarsiga ay ku dabajoogaan dadka canshuurta la baxsaday.

Golaha wasiirada dalalka waqooyiga Yurub waxay ilaa iyo sannadkii 2006 ku guuleysteen in ay heshiis kula galaan in ka badan 40 waddan sidii ay isu dhaafsan lahaayeen wararka kashifaaya dadka canshuurta ka baxsaday. Waxaa weli dhiman afar dal oo canshuuraha lagu qarsado.

Isha/ TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".