Waxaa yaraaday dhallinyarada lagu xukumo goobo lagu daryeelo

Tirada dhallinyarada lagu xukumo goobo lagu daryeelo waxay sannadkii hore hoos ugu dhaceen ilaa 46 qof, meesha ay shantii sano oo ugu dambeysey ka ahayd labanlaab.

Waa wax lagu farxo, ayuu yiri Nils Åkesson oo ah maareeyaha hay’adda qaabbilsan daryeelka khasabka ah ee dhallinyarada iyo dadka waaweyn oo isticmaala maandooriyayaasha oo af-iwiidhishka lagu yiraahdo Statens institutionsstyrelse (Sis).

Nils Åkesson wuxuu tilmaamay in dhallinyaradii ku kaci jirey falalka dembiyada ay soo yaraadeen, taasina ay thay horumar lagu farxo. Wargeyska Svenska Dagbladet wuxuu qoray in boqolkiiba 21 dadkii horay dembiyada u galay ay sannad gudahiis dib ugu soo noqdaan falalka dembiyada.

Isha/ SvD, TT

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".