Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Xubnaha baarlamanka EU-da oo ku hanjabay iney Veto saaraan qorshaha miisaaniyadda fog ee ururka

Miisaaniyadda fog ee ururka Midowga Yurub

Baarlamanka ururka midowga Yurub ayaa ku goodiyay inuu maya saari doono qorshaha miisaaniyadda ururka haddii aan muhiimadda lagu saarin arrimmaha la xiriira tacliinta iyo cilmi-baarista. Go'aankan ayaana ah baaq ka soo yeeray is-baheeysiga ugu baaxadda weyn ee mudaneyaasha baarlamanka ee ururka EU-da.

Muddo iminka bil laga joogo ayey madaxda 27-ka dal ee xubnaha ka ah ururku ku heshiiyeen miisaaniyadda ururka ee mustaqbalka, illaa iyo sannadka 2020. Halka ay dhanka kale xubnaha baarlamanka awood iminka u leeyihiin iney saaraan codka diidmada ee Veto-owga miisaaniyadda mustaqbalka fog, sida uu u ogolaanayo heshiiska Lisabon. Iyadoona ey shan garab ee ka tirsan xubnaha baarlamanka, oo tiradoodu gaareyso 85% ee mudaneyaasha baarlamanku sheegeen iney diidmo kala hor iman doonaan haddii loo soo hor-dhigo sida uu hadda u qoran yahay.

Halka dhanka kale ey xil-dhibaannadu aaney waxba ka qabin in la dhimo miisaaniyadda lagu bixiyo taageerada beeraleyda Yurub, sida uu sheegay, Göran Färm, ahna xil-dhibaanka u qaabilsan arrimmaha miisaaniyadda xisbiga Sooshiyaal-dimoqoraadiga ee baarlamanka EU-da.
- Waxaan qabaa in xoogaa la dhimo miisaaniyadda taageerada ee beeraleyda. Sannadihii ugu dambeeyey ayeyba nagu adkeeyd sidii aan u dhameeys-tiri laheyn miisaaniyadda bixinteeda. Dhaqaale ayaa halkaa ku sugan laga isticmaali kari lahaa.

Baarlamanka ayaa iminka bilaabaya wada-haddalladii la xiriirey miisaaniyadda iyadoona go'aanka kama dambeeysta la fileyo ugu horeeyn bisha maajo, hase yeeshee laga yaabo xilliga kuleeylaha ee foodda innagu soo haya.

Haddii ey xubnaha baarlamanka EU-du iska laadaan qorsha miisaaniyadda ayay halkiisa ka socon doontaa miisaaniyadda sannadka 2013. Middaasina oo macnaheedu tahay in dalkani aannu heli doonin dhimistii miisaaniyadda ee la go'aansadey.

                                                                kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".