Carl Bildt (M). Sawirle: Scanpix.

Carl Bildt oo ka faallooday xaaladda dalka Waqooyiga Kuuriya

Wasiirka arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen Carl Bildt ayaa sheegay inay tahay xaalad adag in la qiimeeyo xaaladda dalka Waqooyiga Kuuriya, kadib maamulka dalkaasi ku dhawaaqay inuu burburiyay heshiiskii xabad joojinta ee uu la lahaa waddanka koonfurta kuuriya. Isagoona uu wasiirku sheegay in aan la garan karin in dhab loo qaato iyo in kale:

- Waxaan ka welwel-sannahey ereyada la is dhaafsaneyo ee dhanka maamulka waqooyiga Kuuriya. Waxaan garaw-sanahay inuu ka dambeeyey cunaqabateeyntii ay hayadda qarammada Midoobey ku soo rogtay dalkaa. In dhab loo qaadan karo halistaa iyo in kale waa mid ay adag tahay in la qiimeeyo, sida uu sheegay Carl Bildt, wasiirka arrimmaha dibadda ee dalka Iswiidhen.

                                                                              kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".