Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industrilokal. Giftig rök sprider sig österut mot Giraffens köpcentrum. Alla som befinner sig i området bör bege sig därifrån. Boende i området uppmanas att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Kalmar.
(Publicerat idag kl 17.16)

Heroin raqiis ah oo soo buux dhaafisey "Plattan"

La daabacay fredag 8 mars 2013 kl 14.51
Booliska "rajo beel baan ka taaganahay la dagaalanka heroin-ka
(2:32 min)
Klicka för större grafik

Dragoda heroin-ta ee magaalada Stockholm taala ayaa ah tii ugu badneyn dhowrikii sanno ee ugu danbeyey. Taas oo keentey in daroogadaan ay noqoto mid raqiis ah oo ay sahal tahay in la helo. Sida booliskana laga soo xigtey dadyowga isticmaala daroogadaan ayaa soo badanaya. Meesha ugu badan oo daroogadaan lagu gado ayaa ah Sergels Torg bartaha Stockholm.

Johan waa 28 jir, waxuuna heroin-ta ka iibsandey plattan oo ku taala Sergels Torg mar uu weriye ka tirsan Sveriges radio kula kulmey halkaas.

- Waxey ku dhowdahey in dadka haroin-ka iibiya ay ka bataan kuwo isticmaala ayuu yeri ninkaan aan Johan ugu wacnay balse wax kale la yiraahdo.  Waxaan Johaan kula kulaney maqaayada dukaanka weyn ee Åhlens. Johan wax yar ka hor ayuu isku duray daroogada Haroinka taas oo uu ka iibsaadey ruux ku sugnaa Sergels Torg , ruuxaas oo leh sida uu sheegay macaamiil faro badan.

- Markasta dad faro badan ayaa ninkaas u yimaada, meel kasta ayey kaga yimaadaan ayuu yeri Johan , labo saacadood keliya ayuu u baahanyahay in uu daroogadiisa gado ayuu raaciyey kabacdiina gurigiisa ayuu aadaa.

Wariye ka tirsan raadiyaha Sveriges Radio ayaa asbuucyo badan maalin kasta ku sugnaa Sergels torg, waxuuna arkey si furan daroogadaan loogu kalo iibsanayo  barxada Plattan. Gacmo dhaqs isku dhaafsanaya klacago isku xiran. Sida wariyaha soo wariyeyna waxaa maaalmaha qaar dhcda in ay halkaas ku sugnaadaan wax kadaban todobo ruux oo daroogadan hartoinka halkaa ku iibineysa.

Arintaas oo ay qireyso baaritaan uu sameeyey laanta danbi baarista ee booliska Stockholm. Waxaana baaritaanka lagu sheegay  raqiiska ay marayso daroogadaan ay sababtey in ka ganacsigeedu kordho ayadoo oo weliba booliska ku howlanyahay burburinta shabakada daroogadaan keenta.

Shaqada booliska waxay mareysaa rajo beel sida uu sheegay Lennart Karlsson oo city booliska u qaabilsan la dagaalanka daroogada.

- Inkastoo aan bishii qabano toban qof oo ka gada daroogadaan ,hadana kuwo cusub ayaa suuqa soo gala markasta ayuu yeri Lennart Karlsson oo city boliska u qaabilsan la dagaalanka darooga.  

Isha:ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".