Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Explosionen inträffade vid lunchtid. Foto: Ivan Garcia/Sveriges Radio.

Wakiilka xuquuqda carruurta

Fredrik Malmberg oo ah Wakiilka xuquuqda carruurta wuxuu qabaa in ay habboon tahay in boliiska laga mamnuuco in ay galaan dugsiyada si ay gacanta ugu soo dhigaan carruurta waalidka dalka ku jooga sharcidarrada.

In kastoo xilliga kuleylaha xaq loo siin doono carruurta waalidka Iswiidhen dhuumaaleysiga ku jooga ay bilaabaan dugsiyada, haddana wuxuu wakiilka xuquuqda carruurtu rumeysan yahay in carruur badani ay ka cabsan in ay tagaan dugsiyada. Sababtuna waxay tahay in aysan jirin iska hortaagaaya boliiska in ay galaan dugsiyada oo soo qabtaan carruurta la masaafurin doono.

Fredrik Malmberg wuxuu yiri: Arrintani waa mid welwel igu abuurtay. Sida aan ku soo aragnay dalal kale oo ka tirsan Midowga Yurub oo aysan mamnuuc ka ahayn ay ka dhici karto in mar qura la galo dugsi. Laakiin hal mar saamayn wen ayey leedahay, maadaama ay cabsi awgeed waalidka ku kallifeyso in aysan carruurta u dirin dugsiyada.

Isha/ Ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".