Sawirle: Hans T Dahlskog/Scanpix

Amiirad Lilian oo ku geeriyootay 97 jir

Xalay fiidkii ayaa shaaca laga qaaday inay geeriyootay amiirad Lilian, sida ay shaaca ka qaaday sarkaalada ka howl-gasha aqalka boqortooyada Alice Trolle-Wachtmeisters una dhaxda Hans Gabriel Trolle-Wachtmeister, sida uu qoray war-geeyska Expressen.

Sideeddii aroornimo ee saaka ayey kaniisadaha dalku u garaaceen gambaleellada, middaasina lagu xusayey geerida amiiradda. Halka dhanka kale hoos loo dhigi doona maanta calanka dalka.

Amirad Lilian ayaa waxa ay da'deedo aheyd 97 sanno jir. Waxeyna xaas u aheyd Amiir Bertil oo ah boqorka adeerkiis. Waxay ku dhalatey magaalo yar oo macdanta laga qodi jirey ee Swansea cariga Wales taariikhudo markey aheyd 30 august 1915.

                                                                      kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".