Maryan Qaasirm: Iswiidhen waxaan ka codsaney in soomaalida laga taageero sidii ey dalka ugu soo noqon lahaayeen oo uga qeyb qaadan lahaayeen dhismaha dalkooda. Sawirle: Photo/Farah Abdi Warsameh.

Maryan Qaasim: Waxaan codsanay in soomaalida laga taageero dib u celin

Qurba-joogta ayaa ku filan iney miisaaniyad-geliyaan qorshan tacliinta
7:39 min

Wasiirka hor-u-marinta iyo adeegga bulshada ee dawladda federaalka Soomaaliya Maryan Qaasin oo beryahan booqasho ku maraysay qaar ka mid ah waddammada EU-da ayaa sidoo kale booqasho ku timid dalka Iswiidhen iyadoona kulan ballaaran kula qaadatay soomaalida ku dhaqan magaalada Istockholm iyo nawaaxigeeda xarunta iskuulka xaafadda Rinkeby fiidnimadii sabtidii ina dhaaftay.

Safarka wasiiradda ayaa la xiriiray qorshe wasaaraddeedu ku talo jirto iyo sidii ey tacliin ugu heli lahayd hal malyan oo dhallaan ah iyo sidii ey middaasi ugala xaajoon lahayd maamullada waddammada Ingiriiska iyo Iswiidhen iyo sidoo kale soomaalida ku dhaqan dalalkaa, sida ay noo sheegtay:

Codsiga ay wasiiraddu carrabka ku dhufatay ee la xiriira sidii dalkani gacan uga geeysan lahaa u sahlidda sidii soomaalida dalkan ku dhaqan ugu laaban lahaayeen Soomaaliya iyo sidii ey dib u dhiska gacan uga geeysan lahaayeen, ayaan la xiriirin soo-galootiga  dalka magan-gelyada u jooga, middaasina maba ahan howlaha aan u xil-saar-nahay,  sida wasiiraddu sheegtay, hase yeeshee quseeya sidii loogu suurtagelin lahaa mutacallimiinta soomaaliyeed ee dalkan ku sugan iney in muddo ah u howl-tagaan Soomaaliya si ey xirfadahooda gacan ugu siiyaan dhismaha dalka. Hadday noqon lahayd dhanka wax-barashada iyo dhanka caafimaadka. Faadumo qaasim iyo mar kale:

Dawladda Iswiidhen ayaa ku dhawaaqday gabagabadii sannadkii ina dhaafay inay u qoondeeysay Soomaaliya miisaaniyadda shanta sannadood ee foodda innagu soo haya (2013-2018) miisaaniyadaa oo gaarsiisan hal bilyan iyo bar, iyadoona sida aan horay idaacadda uga baahiney aannu qorshaha miisaaniyadda ku jirin taageerada dhanka tacliinta.  Waana qorshe sidiisii halkaa uga socdon doona  , sida ay noo xaqiijisay wasiiraddu:

Aan dib haddaba ugu noqonno kulankii ay wasiiraddu kula yeelatay xaafadda Rinkeby Soomaalida, habeenkii sabtida ee ina dhaafay:

Khudbado kala duwan, heeso, gabayo, majaajilo iyo riwaayad ay soo ban-dhigeen dhallin-yarada ayaa ka mid ahaa wax-yaalihii lagu soo dhoweeyay wasiiradda hor-u-marinta iyo adeegga bulshada ee dawladda federaalka Soomaaliya Maryan Qaasim. Waana arrin aad uga cajabiyay, sida ay sheegtay . Dhanka kale dadyoowgii halkaa ka hadlay ayuu ka mid ahaa Shiikh Bashiir Aamaan oo ku booriyey bulshada iney gacan ka geeystaan sidii ey kaalin uga geeysan lahaayeen goolka wasiiradda ee la xiriira wax-barashada dhallaanka. Cid walba halka ay taallo iyada ayaa is-dhigtay, sida uu sheegay:

Hase yeeshee wasiiradda ayaa sheegtay inay dhici karto in soomaalida qurba-joogta ahi eyba ku filaan karaan taageerada caalamka laga dooneyo. Iyadoona intaa raacisay iney ku talo jiraan marka hore sidii qorshe lagu soo dejin lahaa. Markaa dabadeed loo baahan yahay ciddii gacan ka geeysan lahayd:

                                                                 kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".