Abdullah Gul madaxweynaha Turkiga. Sawirle: Scanpix

Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül oo booqasho qaran maanta ku imaanaya Iswedhen

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa booqasho qaran ku imaanaya dalka Iswedhen madaxweynaha Turkiga Abdullah Gül. Boqoshada madaxweynahaan ayaa aheyd mid horey u baaqatey oo ay aheyd in uu dalkaan Iswedhen ku yimaado 10-12 september sannadkii hore, laakiin baaqatey madaama madaxweynaha xanuunsadey.

 Boqashada madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya xaaskiisa Hayrünnisa Gül iyo 100 qof oo iskugu jira dublamaasiyiin iyo ganacsato.

Booliska Stockholm ayaa kula taliyey dadweynaha magaalo madaxda in gaariga guriga kaga soo tagaan isniinta iyo arbacada madaama wadooyin badan oo dhex mara Stockholm loo xiriri doona booqashada madaxweyne Gül darteed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".