Xatooyada maarta oo tareenada istaajisey

Cuuryaamin loo geystey marinka tareenka ee Olskroken ayaa dhibaato saakey oo isniin ah ku noqdey tareenada. Tareenada u socdey Stockholm iyo taeenka pendeltåga ee u socdey Alingsås ayaa wax la soo gudboonaadey dhibaato faro badan madaama aan la isticmaali karin marinada oo dhan.

Habeynkii axada saacado markey aheyd 9 habeynimo ayaa booliska loo gudbiyey dacwada ku sabsaneyd xatooyo loo geystey maarta marenka tareenka ee degaanka Olsskroken. Halkaas ayaa laga xadey fiilo korantada siisaya marinka tareenka oo aheyd 280 meter, taas oo sida laga soo xigtey hay'adda gaadiidka Trafikverket miisaankeedo ahaa 65 kilo.

Sidoo kale saakey aruurtii ayaa isla goobtaas loo geystey xatooyo kale, inkastoo aysan cadeyn waxay markaan tuugado qaateen.

Shaqaale ka trisan hay'adda Trafikverket ayaa goobtaas saakey aruurtii ku sugnaa, waxaana la filayaa in marinada maarta laga xadey dib loo dayac tiro. Ugu horey saaco markey tahay 2 galabnimo ayaa la filayaa in dhamaan marinadaas dib loo isticmaali karo, sida laga soo xigtey Trafikverket.

Isha:ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".