Namber cusub oo SOS Alarma yeelatey

Maanta waxaa la hirgelinayaa namberka cusub ee SOS alarm oo ah namberka loogu talo galey in la waco marka aysan jirin xaalad deg deg ah.

Dadka xaalada aan deg dega aheyn macluumadka ka haya ayaa awel waci jirey namberka 112 oo ah namber la waco marka ay jirto xaalad deg deg ah, tuusale hadii qof ku sugan yahay xaalad geeri ku dhow. Ujeedka laga leeyahay namberkaan cusub ayaa ah in culeyska laga qaado 112 oo ay soo wacaan dadka doonaya ama haya macluumad aan deg deg aheyn.

Isha:TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".