Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallinyarada biloowda cabidda sigaarka iyo tubaakada oo kor u kacdey

Sawirle: Hasse Holmberg/Scanpix

Intii u dhexeeysey sannadihii 2004 iyo 2011 ayey hoos u dhaceen tiro gaarsiisan 5% (16 illaa 11%) dadyoowga waaweyn ee ka kaaftoomey cabidda sigaarka, halka dhanka kale ay kor u kacday tirada dhallin-yarada sigaarka cabta, sida ku cad tira-koob laga soo saaray machadka caafimaadka ee dalkan Iswiidhen.

Qorshaha goolka dawladda ayaa ah in la dhimo isticmaalka sigaarka ee dalka guud ahaan. Iyadoona qeyb goolkaa ka mid ah uu yahay in inta ka horreeysa sannadka foodda innagu soo haya la dhimo bar la dhimo tirada dhallin-yarada biloowda isticmaalka sigaarka iyo tubaakada, hase yeeshee aanay aaminsanayn in goolkaa la gaari karo Cecilia Birgerson oo ka howl-gasha machadka caafimaadka (Folkhälsoinstitutet), sida uu qoray war-geeyska DN.

                                                                    kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".