Alaabaha laysku qorxiyo oo laga mamnuucey in lagu tijaabiyo xayewaanka

Laga bilaabo maanta waxaa mamnuuc ka ah in lagu gado gudaha EU alaaba laysku qorxiyo ee xayawaanka lagu tijaabiyey.

Laga bilaabo maanta waxaa mamnuuc ka ah in lagu gado gudaha EU alaaba laysku qorxiyo ee xayawaanka lagu tijaabiyey.

Afhayeenka u hadley ururka xaquuqda xayawaanka, Camilla Björkborn ayaa u sheegtey laanta wararka ee P3 Nyheter in ay horey u jirtey sharuuc mamnuuceysa ku tijaabinta xayawaanka, laakiin iminka EU ay owdey dal-dalooladii ku jirey sharuucdaan.

Dhanka amniga ee alaabaha laysku qorxiyo ayaa sideeda ahaan doona, inkastoo laga mamnuucay ku jitaabinta xayewaanka. Taas micnaheedana ma noqon doonta in qatar ka dhalato alaabaha aan lagu tijaabin xayewaanka, sida ay Eu.kommishinka sheegeen.

Mamnuucidaan cusub ayaa qoseysa ku jitaabinta xayawaanka alaabaha loo isticmaalayo isku qorxinta sida baraafoonada iyo dhash-dhaashka halka alabaaha kale sida dawooyinka cuntada ay banaantahey weli lagu tijaabiyo xayewaanka.

isha : P3/ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".