Laba ruux oo ku geeriyoodey gaari ka dhacay buundo uu boliisku furay

Laba ruux oo lagu tuhunsanaa iney batrool ka xadeen goob shidaalka ee ku taala magaalada Uppsala ayaa geeriyooday kadib iyaga oo gaarigii ey saarnaayeen uu ka dhacay buundo u dhaxeeysa Enköping iyo Strängnäs, middaasina sabab u ahayd iyaga oo ka baxsanayey ciidanka ammaanka oo ku daba joogay. Ciidanka ammaanka ayaa go'aan ku gaaray iney furaan buundada Hjulstabron oo gaarigu si xooga ku dhaafay joogsigii loo dhigey halkaasina uu biyaha ku dhacay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".