Hogaamiyaha Folkpartiet ahna wasiirka tacliinta Jan Björklund. Foto: Anna Hjalmarsson/Sveriges Radio.

Folkpartiet oo raba in dib loo hirgeliyo fursad shahaadada lagu dhameysan karo Komvux

Xisbiga Folkpariet ayaa doonaya in dib u suurto-geliyo in qof uu shadoodyinkiisa ku dhameystirto iskuulka dadka waaweyn ee Komvux. Mardhow ayuu arintaas xisbigu ku soo ban-dhigi doonaa barnaamijkiisa siyaasadeed.

Gudi loo xiraarey diyaarinta barnaamijka xisbiga ayaa ku taliyey farsamooyin badan oo lagu suurto-gelinayo in uu qofka badesho xirfadiisa inta uu ku jiro nolasha shaqo. Farsamooyinkana waxaa kamid ah in dib loo hirgeliyo in ruuxa uu xaq u yeesho sidii uu shahaadooyinka dugsiga sare ee ka dhiman ugu dhameysan lahaa iskuulka Komvux, taas oo hogaamiyaha xisbiga Folkpartiet ahna wasiirka tacliinta horey meesha uga saarey.

Laakiin dib suurto-gelintaan ayaan noqon doonin mid u dhameystiran sidii hore. Sida hindisa lagu sheegay ma la suurto-gelinayo in ruux markuu ka baxo dugsiga sare isla markiiba horey ka bilaabo Komvux.

Jan Börjklund wasiirka tacliinta ayaa ka gaabsadey in uu arintaan ka hadlayo madaame sida uu sheegay ay arintaan weli wado hadal ka socdo.

Isha:SVT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".