Foto: Bertil Ericson/Scanpix.

Ku daweynta shucaaca korantada oo sababta wadno xanuun

Haweenka u bukooda cudurka kanserka naasaha kabacdiina lagu daweeyo shucaaca korantada ama afka qalaad lagu yiraahdo"radiotherapy" ayaa badanaa waxaa ku dhaca wadno xanuun,sidaas waxaa muujinaya daraasada cusub oo natiijadeeda maanta la shaaciyey.

Daraasadeen oo inteeda badan Iswedhen lagu sameeyey ayaa muujineysa in qatar ah in qofka ku dhaco wadno sxanuunka ay hadaba ku xirantahay inta qofka la siiyo "radiotherapy,iga. Laakiin awel horey waa loo ogaa in radiotherapy ama shucaac ku daweyntu aysan wadnaha u fiicney, balse arinta cusub ayaa ah in qatar wadno xanuunku ay shan sanno daweynta kabacdii ay ruuxa la soo gudboonaan karto wadno xanuunka, sida waxaa sheegay barofesar Per Hall oo wax ka dhiga Karolinka

- Arintaan aragno ayaa ah in xataa hadii qofka waxyar lla siiyo daweyntaan ay qatar leedahay , hadii daweyntuna badantahay qatartuna wey ka sii badan tahay. Waxaan sidoo kale aragney in haweenka qaar ay kaga nugulyahiin qartaan kuwo kale, tusale haweenka sigaarka caba ama uu cudurada wadnaha horey ugu dhacay. Waxey sidoo kale daraasado muujineysaa in qatarta ay badaneyso shan sanno gudaheed, taas oo layaab ah. Waayo waxaa u heysaney qatarta imaansheed ay qaadeneyso 10-15 sanno ugu yaraan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".