Miljöparteit oo ku goodiyey in ay dowladda uga baxayaan heshiiska siyaasada socdaalka

Xisbiga Miljöpartiet ayaa ka fikeriya in uu ka baxo wado-shageynta heshiis ee siyaasada socdaalka ee uu xisbiga la leeyahay dowladda, taas oo ay sababta koobaad tahay ugaarsiga uu booliska kaga ugaasanayo dadyowga waaraaqo la'aanta  ah maxadooyinka tareenada, halka sababta labaadna tahay dowldda oo aan dooneynin in ay wax ka badasho erey ku jira sharciga soogalootiga oo oranaya "si ruuxa u helo deganaansho waan in xaaladiisu ahaato mid leh daruuf xanuun leh.

Gustav Fridolin waa mid kamid ah labada afhayeen ee xisbigaas leeyahay-

- Dowladda waxay sheegtey in aysan xiiseyneynin isbadel oo aysan rabin in ay wax ka badesho ereygaan xaalad daruuf xanuun leh. Arinta laga hadlayo waxa weeye caruur wadankaan ku kortey oo nolashooda halkaan taal oo aadna u jirna una baahan daryeel, kuwaas ayaan dooneynaa in fursad ay nolal halkaan kaga bilaaban karaan la siiyo. Oo sharci la siiyo. Hadii aysan dowladda sidaas yeeleynin markaas heshiiska noo dhxeeyey waxuu noqonayaa mid burburey, ayuu yeri Gustav Fridolin oo u waramayey Mari Forsblad oo katirsan ekot

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".