Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Carwada aflaanta afrikaanka. Afrikacinema. The-Last-Flight-to-Abuja5-460x285

Carwada aflaanta afrikaanka oo xalay daaha looga furey Istockholm

Magaalada Istockholm xarunta masraxa Södra Teatern ayaa xalay fiidnimadii daaha loo jaray carwadii aflaanta afrikaanka ee sannadka 2013.
- Carwada Aflaanta Afrika ee sannadka 2013 ayaa socon doonta muddo shan maalmood ah 13-ka ilaa 17-ka bisha maarso ee sannadka 2013, halkaasina lagu soo ban-dhigi doono aflaan tiradoodu gaarsiisan yihiin 39 laga soo xuley 17 waddan oo afrikaan ah. Aflaanta sannadka ayey badankood sameeyntiisa lahaayeen haween afrikaan ah. 30 ka mid ah aflaanta lagu soo ban-dhigi doono carwada aflaanta Afrika ayaa markii ugu horeeysey dalkan lagu daawan doonaa. Halka uu mid ka mid ahna markii ugu horeeysey caalamka lagu daawan doono.

39-ka filin oo lagu soo ban-dhigi doono carwadan ayaa laga soo xulay qaar ka mid waddammada afrika ee horey loogu yiqiin sameeynta aflaanta, halka qaarood yihiin waddamo ku cusub suuqa aflaanta. Halka carwada lagu soo ban-dhigi doono filinkii ugu horeeyay ee lagu sameeyo dalka Namiibiya kuna saabsan jaceeyl, abaar iyo in wax laga badalo nolosha. Filinkaasina oo sameeye uu ka yahay Richard Pakleppa kana mid ah aflaanta carwada lagu soo ban-dhigi doono.

Waxaan si aad ah u aamin-sannahey in dhaqanka afrikaanku uu dalka u degi doono sida uu u soo galay, sida ay sheegeen hoowl-wadeenno ka qeyb-qaadanayey xafladdii furitaanka ee carwada aflaanta afrikaanka ee sannadka 2013 oo xalay daaha laga furay.
- Carwada aflaanta afrikaanka ayaa markii ugu horeeysay la soo ban-dhigay sannadkii 1998, waagaasina oo labadii sannaba mar la qaban jiey.

                                                                   kenadd.mohamed@sr,se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".