Carl Bildt oo la ogaadey in uu macluumad u gubin-jirey Mareykanka

Carl Bildt maanta waxa wweyaan wasiirka arimaha dibada ee dalkaan Iswedhen. Xiliyadii Sagaashameeyadiina waxuu ahaan jirey Ra'iisalwasaraha dalka. Laakiin todobaatameeyada waxuu macluumaad u gubin jirey dowladda Mareykanka markaas oo uu dhawaa dowladii ugu horeysey oo hantigoosadka ahyed mudo 40-sanno ah. Sidaas waxaa maanta daabacey wargeyska Aftonbladet oo soo xiganayey warbaxino diblamaad oo sir ah.

 Macluumaadka uu u gubiyey Carl Bildt Mareykanka ayaa ku sabsanaa wado- xaajood ka socdey barlamaanka dalka sannadkii 1976, markaas oo xisbiyada hanti wadaag ah ka wado-xaajoonayeen sida xilalka loo wado qabysanayo iyo siyaasada dalka lagu hagayo. Carl Bildt markaas waxuu ahaa gacanyaha hogaameyahii xisbiga Moderatka Göst Bohman oo uu xataa gabadhiisa uu qabey.

Waxbaxinadaan diblamaasiyadeed ee sirta ah ayuu wargeyska ka heley shabakada Wikileaks. Aftonbladet ayaa hor-dhigey dokumentigaan sirta ah Carl Bildt laakiin Carl Bildt weli waa inkirsanyahay.

Xiliga lagu eedeynayo in uu Carl Bildt u gubiyey macluumaad dowladda Mareykanka oo aheyd 1976 ayey da'diisu ahyed 27 sanno jir.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".