Foto: Claudio Bresciani/Scanpix

Guriyaha la dhisayo oo ka yar guriyaha baahida loo qabo

Waxaa loo baahanyahay in la dhiso guriyo badan si loo maareeyo guriyo la'aanta dalkaan Iswedhen ka taagan, sidaas ay sheegtey hayadda dowligaa ee guriyaha Boverket. 45 000 oo ah guriyo cusub ayaa loo baahanyahey in la dhiso shanta sanno ee soo socota, sida ay hayadda sheegtey.

 Laaakiin laga soo bilaabo 2006 waxaa dalkaan aad isku dhintey dhisida guriyaha loo baahnaa, ayada oo la dhisey keliya kalobar inta loo baahnaa in la dhiso.

Baaritaan uu ku sameeyey Radio Iswedhen degmooyinka dalka ayaa muujinaya in tobankii todobo keliya shirkadaha guriyaha degmooyinka ay wdao-qorsheynayaan in dhisaaan 25 000 oo guri keliya sadexda sanno ee soo socota. Guriyahaas la qorsheynayo in la dhiso oo aan ku filney baahida jirta ayado oo weliba Boverket ayasan fileynin in guriyahaas in la dhiso la saadaalinayo laga dhabeyn doono. Hans-ÅKE Palmgren oo Boverket katrisan ayaa yeri sida tan.

- Hadii aysan aad iyo aad u kordhin dhisido 2015, waxaa laga yaabaa in aan la dhisin wax ka badan 12-13 000 oo guri sadexda sanno ee soo socota, ayuu yeri Hans-åke Palmgren oo ka socda Boverket.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".