Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhaqaalaha cakiran oo aan saameeyn dadyoowga dibadaha u safra

La daabacay fredag 15 mars 2013 kl 15.29

Dadka Iswedhen waxey maanta geliyaan wax ka badan boqolkii 10-15 dakhligooda dhoofka marka loo barbardhigo tobankii sanno ee la soo dhaafey, ayada oo weliba hada xilli dhaqaalo xumo lagu jiro.

Inkastoo ay dadku ku dhaganyahiin boorsada lacagta oo ay yareeyeen wax iibsigooda ayaa hadana dadku waxey in ka badan intii hore dakhli geliyaan dhofka ay ku tagaan wadamada fog fog, sida laga soo xigtey sadexda shirkadood ee ugu waaweyn dhanka dhoofka, oo ay kamid yahiin Fritidsresor, Apollo iyo Ving.

Lottie Knutsson oo dhanka macluumaadka u qaabilsan Fritidsresor waxey sheegtey in si weyn dadka u daneynayaan dhoofka, waxeyna u sababeysey kuleylaha sommarkii hore oo aan fiicney iyo weliba xiliga qaboobaha oo aad u dheeraa sannadkaan.

- Ka sakow arimaha dhaqaalaha oo arintaan sabab u ah, xilligii kuleylaha sommarkii hore oo aan fiicney iyo weliba xilliga qaboobaha sannadkaan oo aad u dheeraa ayaa baahida dhoofka ee dadka gaarsiyey heer aad iyo aad u sareeya.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".