Shaqaalaha dhismaha oo qarka u saaran shaqa ka fariisi

Ururka shaqaalaha ee dhismaha ayaa diidmo ka muujiyey go'aankii uu jimcihii u soo ban-dhigey guddiga dhexdhexaadinaya ururrada shaqaalaha iyo shaqa-bixiyaha. Middaasi oo macnaheedu tahay inuu soo dhowaanayo shaqa ka fariisi ey ku tallaabsadaan xubnaha ururka shaqaalaha dhismuhu maalinta salaasada ee foodda innagu soo haysa. Torbjörn Hagelin, ahna madaxa guddiga wada-hadallada uga qayb qaadanaya ururka shaqaalaha ee dhismaha ayaa sheegay iney gacanta ku seeyreen qorshihii guddiga dhexdhexaadinta:

- Qorshihii guddiga dhex-dhexaadinta ayaannu iska dheereeney maadaama aaney noo muuqan sidii xal loogu heli lahaa su'aasha la xiriirta shirkadda hannan doonta qandaraaska ugu ballaaran, dhanka cimilada goobaha shaqada iyo dhismista saacadaha shaqada, sida uu sheegay Torbjörn Hagelin.

                                                                        kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".