Sawirle: Arash Mokhtari/ P3 Nyheter

Wakaaladda macaamiisha oo la qaatey aqbaley go'aankeedii mamnuucidda

Cabsi laga qabo shaqa ka fariisi maalinta salaasada
3:59 min

Kow iyo toban shirkadood oo ka mid ah shirkadaha bixiya deeymaha lagu bixiyo farriinta SMS-ta oo dhowaantan muddo iminka bil laga joogo ay hayadda macaamiishu xannibaad ka siisay iney xayeeysiintooda ku istcmaalaan ereyga BILAASH ey iminka jawaab ka soo bixiyeen kuna ogolaadeen xannibaaddaa.

- Badankood ayey shirkadahaasi ogolaadeen iney ereyga bilaash ka saaraan xayeeysiintooda. Ereyga iyo sida ey u bedeli doonaan wax fikrad ah kama heynno, sida ay sheegtay Maria Grunditz, kana mid ah xeer-yaqaannadaka ka howl-gala wakaaladda ilaalinta xuquuqda macaamiisha ee Konsumentverket.

Wakaaladda ilaalinta xuquuqda macaamiisha ayaan u arag in dhaqaalaha deeynta ee SMS-ku aannu ahyn mid bilaash ah, xitaa haddii aan laga bixin lahayn qidmad iyo ribo.

                                                                   kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".