Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiirka Socdaalka oo aad loogu cambaareeyey wareysi uu bixiyey

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström wuxuu wareysi uu siiyey wargeyska DN kaga soo horjeestay qorshaha dowladda oo ku saabsan in carruurta iyo dhallinyarada aan sharci joogitaanka lahayn xaq loo siiyo in ay dhigtaan ilaa dugsiga sare.

Billström wuxuu wareysiga ku caddeeyey in uu ka soo horjeedo in dhallinyarada sharci-darrada ah loo oggolaado in ay dhigtaan dugsiyada sare, in kastoo baarlamaanka iyo dowladdu ay ansaxiyeen ra’yigaas. Wasiirku wuxuu wargeyska DN u sheegay in ay adag tahay in xuduud la sameeyo isagoo shaki geliyey in dhallinyarada sharci-darrada ah la siiyo xuquuq noocaas ah.

 Billström wuxuu kaloo sheegayaa in dadka qariya carruurta sharci-darrada ah badankood ay ka yimaadeen dalalka carruurtu ka timid, mana aha kuwo timo cad oo indha buluugan. Hadalka uu sheegay waxaa aad uga carooday xubno baarlamaanka ka mid ah iyo laamaha warbaahinta.

Isha: Dagens Nyheter

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".