Sawirle: Inga Korsbäck/Sveriges radio.

Farqiga mushaharka ragga iyo dumarka madaxda ah oo sii kordhaya

Waxaa qoraal uu soo saaray ururka madaxda (Ledarna) lagu muujiyey in sii kordhayo farqiga mushaharka ee u dhexeeya ragga iyo dumarka haya xil madaxnimo.

Waqtigaan xaadirka ah wuxuu mushaharka ninka madaxda ahi 2000 oo karoon dheer yahay mushaharka qof dumar ah oo madax ah. Hoggaamiyaha ururka madaxda Annika Elias waxay ku micneysay in mushaharada madaxda badankood aan lagu qiimeyn kartida waxqabadka.

- Waa arrin laga niyadjabo mar haddii aysan jirin sabab loogu malayn karo in dumarka madaxda ahi ay ka karti yar yihiin ragga dhiggooda ah.

- Haddaba maxaa sabab u ah?

 - Waxaa sabab looga dhigi karaa in marka la gooynayo mushaharooyinka la tixgeliyo sababo kale oo aan ahayn kartida waxqabadka qofka. Ma jiraan sababo kale oo lagu micnayn karo.

Isha: Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".