Sawirle: Stig-Åke Jönsson SCANPIX

Iswiidhen waxay u nugushahay musiibooyin ilaa labaatan gaaraya

Warbixin ay soo diyaarisay Hay’adda Heeganka iyo Badbaadada Bulshada (myndigheten för samhällsskydd och beredskap, MSB) ayaa muujinaya in Iswiidhen u baahan tahay in ay hagaajiso habkii ay u maarayn lahayd markii ay xaalado adagi soo foodsaaraan. Qiimayntii ugu horreysey oo ay hay'adda MSB ka samaysay khatarta ay Iswiidhen ku sugnaan karto ayaa laga dheehan karaa in dalku u nugul yahay ilaa 27 xaaladood oo adag.  

MSB waxay warbixinteeda ku qiimeyneysaa habka ugu wanaagsan oo ay Iswiidhen ku maarayn lahayd xaaladaha aafooyinka dabiiciga ah, xilliyo kulayl ba’an, duufaanno ilaa falal argagiso iyo xabbadayn dugsi ka dhacda.

Warbixinta ayaa muujineysa in Iswiidhen si kastaba ha ahaatee ay awood fiican u leedahay ka hortagga iyo maaraynta xaaladaha adag, laakiinse loo baahan yahay in hay’adaha dowladda iyo shirkaduhu ay sii hagaajiyaan habka ay isaga kaashan lahaayeen  haddii ay mustaqbalka dhacaan xaalado ba’an.

Isha: MSB/Ekot

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".