Stefan Löfven (S). Sawirle: Andreas Morén/Sveriges Radio.

Löfven oo dhaleeceeyay wasiirka socdaalka Tobias Billström

Ma ahayn hadal laga filayey inuu ka soo yeero wasiir socdaal
1:23 min

Hogaamiyaha xisbiga Sooshiiyaal-dimoqoraadiga Stefan Löfven ayaa hadal ku weeraray wasiirka socdaalka ee dalkan Iswiidhen Tobias Billström, middaasina oo ka dambeeysay wareeysi uu wasiirku siiyay war-geeyska DN dhowaantan, iyadoona uu ku sheegay in dadyoowga qariya soo-galootiga dalka dhuumaaleeysiga ku joogaa aaney aheyn kuwa asal ahaan u dhashey dalkan Iswiidhen ee leh timaha biyoondaha iyo indhaha buluugga.

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström oo raalli-gelin ka bixiyay ereyadaa afkiisa ka soo yeeray ayaa sheegay iney ahaayeen kuwo uu si khaldan u yiri. Hase yeeshee uu hogaamiyaha xisbiga S, Stefan Löfven sheegay in middaasi aanay ku filayn, isla-markaana loo baahan yahay in madaxa dawladdu uu middaa ka faalloodo:

[Duration:0:22]

- Waa mid cad ereyada ka soo yeeray wasiirka afkiisa. Waxaan aamin-san ahay inay tahay wax lalal yaabo in wasiir-socdaal ama ruux uu sidaa u hadli karo. Ereyadaasi waxey ahaayeen kuwo ereyo xunxun.

Ma loo baahan yahay in madaxa dawladdu ka faalloodo arrinkan?

- Isaga ayaa middaa go'aankeeda iska leh. Waa in su'aashaa isaga la weydiiyaa. Isagoona intaa raaciyay mar uu shir-jaraa'id la yeeshay suxufiyiinta ka howl-gasha baarlamanka in aannu xisbigiisu ku doorasha-tagayn iyada oo kor loo qaado qidmadda mushaarooyinka shaqaalaha caadiga ah, waa marka laga hadleyo sida uu sheegay Löfven wixii loo gaaro mushaarooyinka illaa iyo lixdan kun oo koron.

Halka wixii ka sarreeya lixdan kun oo koron si tartiib tartiib ah kor loogu soo qaadi doono qidmadda mushaarooyinkaa laga jaro, sida ku cad qorshaha miisaaniyadda ee xisbigiisa. Stefan Löfven wuxuu sidoo kale sheegay in haddii dawladdu ku tallaabsato inta doorashada ka horeeysa go'aankeedii ahaa jaranjaradii shanaad ee qidmadda mushaarooyinka lagu dhimayey uu xisbigiisu middaa aqbali doono.

Isha/ekot

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".