Sawirle: Patrik Widegren/SR Gotland

Sharci cusub oo ku saabsan kaamerada wax lagu ilaaliyo

Sharciga cusub oo ay dowladdu damacsan tahay wuxuu dukaamada, tareenada dhulka hoostiisa mara iyo guryaha baabuurta la dhigto u fududeynayaa in ay ku dhegsanaan kaamerad ay isku ilaaliyaan. Hadda kadib uma baahnaan doonaan in ay codsadaan ruqsad ee waxa ku filan in soo sheegaan in ay kaamerad ku dhegsadeen.

Dowladda ayaa sidoo kale qabta in la fududeeyo in magdhaw laga dalban karo ciddii ku dhegsata kaamerad sharci-darro ah iyo in si fudud ruqsad loogu heli karo kaameradaha wax lagu ilaaliyo si looga hortago dembiyada.

Sharcigaan cusub ayaa beddelaya sharcigii 1998 oo ku saabsanaa ilaalada kaamerada, waxaana lagu talajiraa in uu dhaqangalo kowda Luulyo ee sannadkaan.

War-saxaafadeed ka yimid Wasaaradda Caddaaladda

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".