Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Reinfeldt: oo dhaleeceeyn culus ku tuuray wasiirkiisa socdaalka

La daabacay tisdag 19 mars 2013 kl 16.17
Howl adag ayaa sugeeysa sidii uu kalsoonida ku soo ceshan lahaa.
(1:54 min)
Tobias Billström iyo Fredrik Reinfeldt. Sawirle: Scanpix.

Wasiirka socdaalka Tobias Billström ayay la soo gudboonaatay eedeyn kulul ee kaga timid madaxa dawladda Fredrik Reinfeldt, middaasina oo ka dambeeysay ereyo uu sheegay mar uu wareeysi siiyey war-geeyska DN.

- Waa ereyo aan habooneyn, hase yeeshee uu ka bixiyay raali-gelin, waana mid aan soo dhoweeynayo, sida uu sheegay Reinfaldt.

Ma kaa fajicisay in mid ka mid ah wasiirradaadu aannu la socon heshiisyada dawladdu gashay?
- Tobias Billström wuxuu jagadaa ku fadhiyay laga soo bilaabo sannadkii 2006, isagoona inta badan muujin jiray niyadda uu u hayo habka bani'aadmi-nimo ee dheeli-tiran, habkaasina oo ah midka dawladda iyo kan xisbiga Mudaraatkaba ee la xiriira siyaasadda soo-galootiga. Hase yeeshee muddadooyinkii ugu dambeeyey ayuu dhowr jeer ka dhacay middaa, waana mid xaaladda adkeenaysa. Sidaa-daraadeed ayaan u cadeeyay in waddada keliya ee dib loogu hanan karo kalsoonidii ay tahay middii bani'aadmi-nimo ee siyaasaddayedu ku dhisnayd iyo inuu ku dadaalo sidii uu dib ugu hanan lahaa kalsoonidaa.

Xilkaa mas ii hayn karaa wasiirku?
- Si uu kalsoonidii ula soo noqdo waa inuu u howl-galo sidii uu ugu dheggenaan lahaa dhabbada siyaasadda dawladda iyo tan xisbiga Mudaraat-ka. Waana mid uu garaw-san yahay in looga fadhiyo howl-adag, sida uu sheegay Reinfeldt.

                                                                          kenadid.mohamed@sr.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".